Sunday 31 May 2009

Qaraabooy qalad maa ku dhaqaaqay?

Hadaan Qarankeyga u istaago
Qabyalada hor istaago
Qaraabooy qalad maa ku dhaqaaqay?

Hadaan Qaadirkii weynaa talo saarto
Qurankiisane midigtayta ku qabsado
Qaraabooy qalad maa ku dhaqaaqay?

Hadaan Qalin qaato
Dhalinyarta qiiro geliyo
From Qardho to Qatar qeeladeeyda gaarto
Qaraabo qalad maa ku dhaqaaqay?

Ilaan dadkeeni qaali badnaa
Qaad baabiyo, qabuuro booxiyaan
ama qah iyo qoxootinimo ku dhintaan
Qaraaboy qaasidkeena ma yahay?

Qaraaboy, Al-Qayuum talo saarta
Quraanka qalbigeena ku qaboojista
Qarankeena qiimeesta
Qabyaalada badala
Qiyaamo isku diyaariya
Gargaarka Qaadir waa qariib

No comments: